Video:-Halkee marayaan tartanka ciyaaraha Kubada Cagta

Xulka kubadda cakta Faransiiska ayaa u gudbay wareega 16-ka ee Koobka Aduunka, kadib marki ay maanta 1-0 uga badiyeen kooxda qaranka ee Peru.

Ciyaartan oo ka tirsaneyd Group-ka C isla markaana ka dhacday garoonka Ekaterinburg Arena ee magaalada Yekaterinburg ayaa waxaa goolka guusha xulka France u saxiixay Kylian Mbappe daqiiqadii 34-aad ee qeybti hore ee ciyaara.

Mbappe oo 19 jir ah, ayaa noqday laacibki ugu da,da yaraa ee Faransiika gool u dhaliya tartanka ciyaaraha Koobka Aduunka. Goolkiisa ayaa yimid kadib marki kubad uu Olivier Giroud ku shuuday goolhayaha Peru Pedro Gallese uu kadaba tagay Mbeppe kadibna ku taabtay shabaqa.

Peru, oo sannadkaan kasoo qeybgashay Koobka Aduunka marki ugu horreysay tan iyo sannadki 1982-ki ayaa xaqiijisay in ay ka hartay tartanka, kadib marki ay khasaartay labadi kulan ee ay la kala ciyaartay Denmark iyo France.

Soo bixitaanka xulka France ee wareega xiga ee Koobka Aduunka ayaa ka danbeysay kadib marki xulalka Denmark iyo Australia ee ay isku Group yihiin France maanta isku mari waayeen bareejo 1-1 ah.

Goolka waxaa la hormaray Denmark waxaana daqiiqadii todobaad ee ciyaarta u saxiixay Eriksen, balse Australia ayaa ka daba tagtay kadib marki uu rigoore gool ugu dhaliyay ciyaaryahan Mile Jedinak.

Caawa fiidkiina waxaa kulan adag oo la wada sugayo uu dhexmari doonaa xulalka Argentina iyo Croatia,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Hakan hoose ka daawo muuqaalka