Dowlada Jubaland oo xukun dil ah ku fulisay sedax Askari

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Jubaland ayaa Maanta xukun dil ah ku fulisay saddex Askari oo laba ka mid ah ay horay u dileyn Askar ka tirsaneed Ciidamada Dowlada halka midka kalane uu dilay Xaaskii uu qabay.
 
Saddexda Askari ee Xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa waxa ay kala yihiin, Cabdullaahi Asad Ismaacil oo horay u dilay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray marxuumad Muxubo Maxamed Guure, C/rashiid Axmed Xasan oo horay u dilay Marxuum Maxamed Cabdullaahi Xirsi iyo Aadan Cabdi Muumin oo horay u dilay Marxuum Cawil Colow Xasan.
 
Goobta uu lagu fulinayay xukunka dilka toogashada ah ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada Jubbaland iyo ehelada Ciidamada dilka toogashada ah lagu fuliyey.