Hogaamiye sare Oo laga dilay Ururka argagixisada Alshabaab

Ciidamada xoogga dalka soomaaliya oo taageero ka helayo ciidamo Maraynkan ah ayaa duleedka deegaanka Araare ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay ku dileen horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Jubboyinka.
 
Taliyaha Guutada 58 aad Ururka 11-aad, ee Ciidanka xoogga dalka G/dhaxe Cabdi Yare ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA in Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay Aruuriyoow uu ku dhuumaalaysanayay deegaan ku dhow Araare.
 
Sarkaalkan ayaa u qaabbilsanaa kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab in uu lacagaha iyo xoolaha si khasab ah ugu qaado shacabka ku dhaqan degaannada Jubboyinka.
 
Sidoo kale ciidamada xoogga dalka Somaliyed ee gobollada Jubbooyinka ayaa isla howl-galkaasi kooxda Al-shabaab uga furtay saanad ciidan iyo hub u badan qoryaha fudud.
 
 
Xigasho SONNA.