Maxaad ka taqaan Ciyaaryahanka Raheem Sterling?

Ciyaaryahanka Britain u dhashay ee baalka ka ciyaara Raheem Sterling ayaa sheegay inaa aanu wewel ka qabin dhaleecaynta warhaahinta ee la xiriirta qaab nololeedkiisa sare iyo siliska hodantinimada muujiya ee uu xirto.
 
Sterling, oo 23 jir ah ayaa marar badan dareemay in aad loo danaynayo inta uu kujiro, shaqo maalmeedkiisa, tii ugu dambaysay ayaa ahayd moodo cusub oo ah qori uu lugta ku sawirtay.
 
Waxaa intaas u dheer dhaliilo loo soo jeedinayey oo la xiriira in saaxiibtii uu guur usoo bandhigay, asagoo dhar uga iibiyey dukaanka high-street chain Primark, iyo asagoo xataa hooyadiis guri u iibiyey.
 
” 15 sano kahor waxaan nadiifin jirnay musqulaha, waxaanna quraac u doonan jirnay foornada rootiga” ayuu yiri ciyaaryahanka Manchester City u ciyaara ee magaalada London kulasoo barbaaray hooyadiis iyo walaashiis.
 
Sterling wuxuu intaas raaciyey ” waxaa jira aragti ay aaminsan yihiin warbaahinta qaar oo ah inaan jeclahay inaan xirto siliska muujiya hodantinimada”
 
” Dhowr sano kahor, waan welwelsanaa, balse hadda, maadaama hooyaday, walaashay iyo caruurtayda aanay buuq dareemayn, waan wanaagsanahay”
 
Sterling ayaa koobkiisii labaad ee Adduunka ku ciyaaraya dalka Ruushka, wuxuuna kasoo muuqday ciyaartii ay England 2 iyo 1 ka uga badisay isniintii Tunisia oo ay kuwada jiraan kooxda “G”.
 
Si kasta oo ay ahaataba, waxaa laga yaabaa in kursiga kaydka ah lagu tuuro ciyaarta maalinta Axadda ah dhex maraysa England iyo Panama ee ka dhacaysa Nizhny Novgorod. Go’aankaan ayaa laga soo xigtay kaaliyaha tababaraha xulka qaranka England Steve Holland.