Muuse Biixi oo Xoghayaha guud Ee Qaramada midoobey uga dacwooday Michel Keating

Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi,ayaa dacwad ka dhan ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ka gudbiyay, isla markaana ku eedeyay inuu dhinac u xagliyey colaada Tukoraq ee udhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Qoraalkan Madaxweyneaha maamulkaasMuuse  Biixi uu qoray ayuu u diray xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr: Antonia Guterres, waxaanu sheegay in Tukoraq ku taallo gudaha Somaliland, isla markaana xadkii uu gumaystihii ingiriisku dhigay uga harsan tahay toddobaadan killomitir.

Sidoo kale,waxa uu sheegay in Somaliland dalalka la jaarka ah kula nooshahay nabadgalyo, taas oo muddadii 27-sanadood ahaa xuduudaha ay la wadaagto dalalka kale nabadgalyo.

Sidoo kale Muuse Biixi, waxa uu uga mahad celiyey wada shaqaynta ka dhexeysa Qaramadda midoobay iyo Somaliland, waxaanu u sheegay xoghayaha guud in arrintaasi loo soo gudbiyey ahayd mid aan cadaalad ahayn oo uu dhinac u xaglinayey Ergaygu, isla markaana aan arrintaasi dhex aanu ka noqon.

Qoraalkan ayaa ka jawaab u ahayd qoraal la sheegay inuu qoray ergayga xoghaya guud u qaabilsan Soomaaliya Mr.Michael Keating oo uu kaga hadlayey dagaalkii ka dhacay Tukoraq.

Halkan hoose ka akhriso:-