Somaliland Oo qaadacday shirka Soomaalida Ee Belgium

Maamulka Somaliland,ayaa qaadacay ka qaybgalka shirka Belgium ee looga xaajoonayo arimaha amaanka ee Somaliya.
 
Casuumad ka timid shirkaas,ayaa lasoo gaarsiiyay madaxda maamulka Somaliland ugu saraysa balse way qaadaceen sidaa waxaa noo xaqiijiyay masuul ka tirsan madaxtooyada maamulkaas.
 
Somaliland ayaa ku andacootay in aysan qayb ka ahayn Somaliya,isla markaana uusan qusayn shir loo qabanayo qaybaha Somalida.
 
Somaliland ayaa isku aragta in ay tahay Jamhuuriyad ka madax banaan Soamliya inteeda kale.
 
Shirka Belgium oo qorshuhu ahaa in bishan 26-keeda la qabto,ayaa dib u dhac ku yimd ka gadaal markii codsi dib u dhigid ah uu ka yimid madaxda Somalida.
 
Shirka ayaa la filayaa in uu dhaco 16-ka bisha soo socota,sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dowlada Puntland oo qayb ka ah wafuuda shirkaas tagi doonta.