Somaliland oo wajigabaxii ugu weynaa kala kulantay Qaramada Midoobey

Wakiilka qaramada midoobey ee Somaliya Michael Keating, ayaa sheegay in dacwadii ay Somaliland ka gudbisay isaga uu xoghayaha guud ee qaramada midoobey uwakiishay in uu jawaab celin ka siiyo maamulka Somaliland isla dacwadaas.
 
Jawaabta wakiilka qaramada midoobey Michael Keating ayay jawaabtiisu uqoranyd sida tan soo socota:-
 
Xoghayaha guud waxuu iga codsaday in aan kaaga soo jawaabo warqadaadii 28 May 2018 ee la xiriirtay colaada Tukaraq.
 
Xoghayaha guud waxuu ka niyad jabsan yahay,xili horukac la taaban karo laga sameeyay geedi socodka nabadaynta iyo dhismaha dowladnimada Somaliya,in ilihii yaraa ee Milatari qiimahana lahaa ,in halkii ay ka ahayd in loo isticmaalo waxkaqabashada amni darada, in loo isticmaalayo khilaaf sababaya darxumo weyn iyo nafo lagu waayo.
 
Xoghayaha guud waxuu ugu baaqayaa dhamaan dhinacyada in la fuliyo qodobadii afarta ahaa ee aan kula wadaagay in colaada la joojiyo,Xabad joojin la hirgaliyo, la aasaaso janalo ay kuwada hadlaan Talyayaasha ciidamada,iyadoo si buuxda loo ogolaanayo in mucaawino bini’aadanimo la gaarsiiyo shacabka ee ay saamaysay colaada,sidoo kale in la sii daayo maxaabiista si kalsooni loo dhiso.
 
Arinta la xiriirta mawduuca mawqifka Somaliland ,xoghayaha guud waxuu ku talinaya in ay jiraan qaabab caalami oo loo dajiyay in ay raacaan deegaanada raadinaya in ay garaan aayo ka tashi oo ay aqoonsadaan dalalka beesha caalamka kana mid noqdaan Qaramada midoobey.
 
Xoghayaha guud waxuu ugu baaqayaa Somaliland in ay dib ubilwodo wadahadaladii istaagay ee Somaliya.
 
Xoghayaha guud waxuu ifaray in aan sii wado in aan dhinacyada kala shaqeeyo in la dhameeyo colaada Tukaraq iyo in aan fududeeyo dib u bilaabista wadahadaladii Somaliya iyo Somaliland”ayaa lagu yiri warqada kasoo baxday xaafiiska Michael Keating.
 
Hadalkan ayaa waji gabax ku ah Muuse Biixi Madaxweynaha maamulka Somaliland oo markii hore dacwadan ka gudbay isla Wakiilka xoghayaha guud ee Somaliya Michael Keating ee jawaabta dacwadiisa soo qoray,waxayna muujinaysaa sida beesha caalamku iyo qaramada midoobey ay ugu aragto rabitaanka maamulka Somaliland mid ka fog waaqiciga Somaliya.
 
Si asluubaysan oo miisaaman ayay qaramada midoobey ugu soo jawaabtay Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha maamulka Somaliland.