Video:-Qarax ka dhacay goob uu ka khudbaynayay Ra’isalwasaaraha Itoobiya

Qarax ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay meel u dhow goob uu ku sugnaa Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed, halkaas oo uu kula hadlayay dadweyne aad u farobadan oo isugu soo baxay si ay u taageeraan qorshayaashii isbadalka.

Warbaahinta Itoobiya iyo Ra’isulwasaaraha laftiisa ayaa xaqiijiyay qaraxa, waxaana la xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca dad kala duwan.

Dadka inta badan waxa ay ku dhaawacmeen isbuurasho dadka ay sameeyeen.

Ra’isulwasaare Abiy Axmed ayaa markiiba meesha lagala cararay, wuxuuna markii dambe hadal ka jeediyay xafiiskiisa, hadalkaas oo toos looga baahiyay taleefishinka qaranka Itoobiya.

Faahfaahin lagama bixin cidda ka dambeysay qaraxa, balse walwalka laga qabo amniga horey ayay usii muuqatay, waxaana la arkayay Ra’isulwasaare Abiy oo ka hadlayay meel lagu xeendaabay difaac qaruurad ka samaysan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka