War-deg-deg ah:-Dagaal ka bilowday gudaha Magaalada laascaanood

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool,ayaa sheegaya in saacadda geeska Africa markay ku beenayd  1:30 saq dhexe oo habeenimo iska hor imaad la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu ka bilaamay gudaha Magaalada.

Iska hor imaadkan oo socday mudo xoogaa ah,ayay Ciidamo Deegaanka ah oo taabacsan Puntland waxay ku weerareen fariisimo ay fadhiyeen maleeshiyada Jeegaanta ee Muuse Biixi.

Wararka laga helayo magaalada,ayaa sheegaya in la maqlayo dhawaaqa rasaasta la isku adeegsanayo ,taasoo iskugu jirta Hubka waaweyn iyo kan yar-yar.

Maleeshiyada Deegaanka,ayaa weerarka ku ekeeyay saldhiga Bartamaha Magaalada oo fariisin u ah qayb ka mid ah maleeshiyada Jeegaanta .

La soco wararkayaga danbe iyo weerarkaas.