Alshabaab oo dilay mid ka mid Oday dhaqameedyadii soo xulay Baarlamaanka K.Galbeed

Dilka ayaa ka dhacay degmada Dharkeenley, waxaa oday dhaqameedka la dilay lagu magacaabi jiray Ibraahim Cali Xasan, kaasoo ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee deegaanada Koonfur Galbeed.
 
Raggii dilka ka danbeeyay ayaa baxsaday, iyadoo goobta dilka ka dhacay ay gaareen ciidamada ammaanka, kuwaasoo aysan u suura gelin in ay soo qabtaan kooxihii dilka geystay.
 
Al-Shabaab,ayaa bishii hore baraha Bulshada kusii daysay muuqaalo muujinaya xubno ka mid ahaa ergooyinkii soo doortay baarlamaanada Dalka oo lagu tooganayo meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho.