Video:-Xiisad xoog leh oo ka taagan Somali lagu gowracay Itoobiya

Maalmihii dambe waxaa sii kor dhayay xiisada u dhaxeysa Soomaalida Dowlad deegaanka Itoobiya iyo Qowmiyada Oromada.

Warar kala duwan oo hadda soo baxaya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Qowmiyada Oromada ay gowraceen shan nin oo Soomaali ah, arintaas oo ka dhacday sida la sheegay magaalada Tuli-guuleed oo Soomaalidu ay degto.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in rag hubeysan oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada ay wadada u galeen shanta nin ee Soomaalida ah islamarkaana halkaas ay ku gowraceen.

Majiraan ilaa iyo hadda cid ka hadashay dacdadaasi, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii adkaato xaalada dagaal ee u dhaxeeysa Qowmiyada Oromada iyo soomalada degan Dalka Itoobiya.

Sidoo kale deegaanka Mooyaale ee dhaca xuduuda Itoobiya iyo Kenya oo dhinacyadaan ay ku dagaalamayaan ayaa laga soo sheegayaa in laga dareemayo dhaq dhaqaaq ciidan iyo abaabul dagaal,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka