Madaxii hore hay’ada Bisha-cas Oo ku geeriyooday Magaalada Nayrobi

Allaha u Naxariistee waxaa Magalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ku geeriyooday Madaxii hore ee Hay’adda Bisha cas Somaliya Axmed Maxamed Xasan(Foodcade).
 
Dr Foodcade,ayaa ka mid ahaa Dhaqaatiirta Somaliyed ee Caanka ka ahaa dalka,waxa uuna mudo fog madax ka ahaa Hay’adda Bisha Cas ee Somaliya.
 
Magalada Nairobi ayuu ugu geeriyooday Xanuun mudo hayey sida ay xqiijiyeen Eheladiisa,
 
Fooda-cade,ayaa qabtay xilka Madaxweynaha Bisha-cas Sanadkii 1972, waxuuan xilkaas hayay mudo ku siman 30 Sano ah.
 
Qaar ka mid ah siyaasiyiin xilal ka soo qabtay dalka iyo Madaxda Hay’adda Bisha ee Somaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Somaliya Axmed Maxamed Xasan(Foodcade).
Bahda idilnews waxay Tacsi gaar ah udiarayaan qoyskii iyo qaraabadiii marxuuum Food-cade.