Puntand oo markii labaad ka cudurdaaratay safar ra’isalwasaare khayre kusoo gaari lahaa Garowe

Waxaa markii labaad dib u dhacay safar uu qorshaynayay ra’isalwasaare Khayre in uu ku gaaro Puntland.
 
Ra’isalwasaaraha ayaa qorshahiisu ahaa in uu yimaado caasimada Puntland ee Garowe isaga iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo todobaadkii tagay.
 
”Waxaa qorhuhu ahaa in shirka Golaha Wasiirada Fadaraalka Somaliya ee Khamiislaha ah lagu qabto Garowe todobaadkii hore,balse waa suurtoobi waayay qorshahaas,waxaana ka cudurdaaratay Dowlada Puntland oo sheegtay in aysan xiligan diyaar ahayn”sidaa waxaa yiri mid ka mid ah Wasiirada Dowlada Fadaralka oo aan soo xiganay.
 
Markii labaad ayay noqonaysaa oo uu baaqdo codsi safar oo uu Khayre waydiistay Puntland,balse mar walba ay ka cudurdaaranaysay Dowlada Puntland.
 
Xogo lagu kalsoonaan karo ayaa idil News u xaqiijiyay in cudurdaarashada Puntland ee socdaalka Khayre ay salka ku hayso qorshe uu wato Khayre oo ku aadan dagaalka Tukaraq.
 
Khayre ayaa xoguhu sheegayaan qorshihiisa ugu weyn ee uu u danaynayo in uu Puntland tago ay tahay soo jeedinta in waan waan laga galo dagaalka Tukaraq.
 
Khayre waxa dabada ka riixaya oo qorshahan la og Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland ee ku kala jira labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka ah Somaliya.
 
Puntland ayaa si xoog leh uga soo horjeeda in ay waan waan ka gasho xoraynta Gobolka Sool.