Video:-Gudiga Dastuurka oo sheegay in shaqadoodii loo gacan dhaafay

Gudiyada dib u eegista Dastuurka ku meel gaarka ah ee kala ah Guddiga Madaxa Banan, kan Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Gole ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa si Wadajir ah waxaa ay u sheegeen in loo gacan dhaafay Shaqadii loo igmaday ee aheyd dib u eegista Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.
 
Waxaana hadalkan warbaahinta la wadaagay Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Xoghaya Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
 
Waxaana uu intaasi raaciyay in Guddiyada Dastuurka aysan haysanin waxyaabihii ay ku shaqeyn lahayeen Xukuumadaha heer fedderaal iyo heer dowlad Goboleed sida senatorku uu hadalkiisa u dhigay.
 
Guddiga Madaxa Banaan ee dib u eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta shan Cutub oo laga soo shaqeeyay waxaa ay ku wareejiyeen xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya,hoos akd aawo muuqaalka.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka