Wasiir Shiikh Nuur oo ay dul saaran tahay seefta xilka qaadiseed Ee Khayre!!

Warar ay helayso Warbaahinta idil News,ayaa tibaaxaya in Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Shiikh Nuur Maxamed laga yaabo in xilka laga qaado maalmahan.
 
Shiikh Nuur oo ah Nin dhalinyaro ah kana mid ahaa usoo olelayaashii Madaxweyne Farmaajo xiligii doorashada,ayaa xogtu waxay sheegaysaa in xilka qaadista la filayo in lagu sameeyo ay sababayso saluug ka yimid dhanka beeshiisa.
 
Beesha Biyomaal ee uu kasoo jeedo Wasiir Shiikh Nuur ayaa aad u saluugsan Wasiirka iyo Wasaarada uu ku matalo ee Xanaanada Xoolaha.
 
Khayre oo cabashada xooga leh ee beeshu soo gaartay,ayaa qorshaynaya xiligan in uu ka badalo beesha Wasaarada iyo Wasiirka,iyadoo xogtu tilmaamayso in loo magacaabi doono masuul kasoo jeeda beeshaas Wasaarada Diinta iyo Awqaafta oo maalin ka hor laga qaaday Wasiir mudo Bil gaarsiisan hayay xilkeeda.
 
Hadii ay dhacdo xilka qaadista Wasiir Shiikh Nuur waxuu noqon doonaa Wasiirkii labaad oo mudo Todobaad gudihiis ah ra’isalwasaare Khayre xilka qaadis ku sameeyo.
 
Sidoo kale maalin ka hor ayay ahayd markii uu is casilay Afhayeenkii Wasaarada Amniga Cabdicasiis Xildhibaan,isagoona eedayn xoog leh dusha uga tuuray madaxda sare ee Dowlada Fadaraaalka.