Dhagayso:-Maxay Norway ku badalatay xushmad umuujinta Basaboor Somaliga?

Dowladda Norway ayaa maanta ku dhawaaqday in ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, ayada oo ku biiraysa dalalka Yurub ee horay u aqoonsaday sida Faransiiska, Talyaaniga iyo kuwo kale.

Munaasbad lagu qabtay magaallada Nairobi oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayuu ku sheegay safiirka Norway u fadhiya Kenya danjire Victor C. Rønneberg in hal sano oo ay wada-shaqeynayeen dowladda Somaaliya kaddib ay ku qanceen hannaanka lagu bixiyo baasaboorka iyo tayadiisa.

“Horay waxaan u aqoonsannayn baasaboorka Diblomaasiga ah ee  Soomaaliya, Norway waxa ay sidoo kale aqoonsanaysaa baasaboorka caadiga ah iyo kan shaqo ee ay soo saarto Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Go’aankani waxa uu dhaqan galayaa bisha Agoosto kowdeeda” ayuu yiri danjire Rønneberg.

“Waxaana ku biiraynaa dalalka Midowga Yurub ee aqoonsan baasaboorka Soomaaliya. Inta la ogyahay waxaa ka mid ah dalalka France, Talyaaniga, Poland, Slovenia, Lithuania, Portugal, Malta Estonia. Ugu dambayn aan caddeeyo in go’aanka ay Norway ku aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya uusan wax ka beddelaynin shuruudaha  dal ku galka Norway” ayuu safiirka hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale waxaa iyaguna ka hadlay Mas’uuliyiinta dawladda Fadaraalka Soomaaliyawaxayna sheegeen in dawladda Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga ayna bilaabayso inay kusoo saarto fiisooyinka dalku galka waddankaas.

Sidoo kale warar hoose oo aan ka helayno ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa tibaaxaya in Dowlada Norway aqoonsiga ay siinayso Basaboor Somaliga ay ku badalanayso arimo ay ka mid yihiin galgal dhow oo ay uyeelato arimaha shidaalka Somaliya iyo soo celinta qaxootiga Somalida ee dalkaas ku nool.

Ra’isalwasaare Khayre oo ka mid ahaa Somalidii uqaxday dalkaas xiligii burburka,isla markaana haysta dhalashada dalkaas,ayaa aad loogu xantaa xiriir dhow oo kala dhaxeeya shirkadaha shidaalka Norway iyo sirdoonka dalkaas dadka sida dhow ula socda siyaasada Somaliya tilmaamyaan in Khayre soo galidisii siyaasada ay daba ka riixayeen shirkadahaas iyo hay’adahaas sirdoon.

Haddaba arrintan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Agaaismaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi.

Halkan ka dhagayso codka Agaasimaha