Video:-Daawo xisbiga EPRDF Oo ujawaabay Madaxweyne Cabdi Cumar

araysi uu bixiyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar,ayuu ku eedeeyay madixii hore ee sirdoonka Itoobiya Mr. Gatachew,
 
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in dhibaatooyinka uu Gatachew ku hayay deegaanka ay uga dacwoodeen xisbiga.
 
Gudoomiye ku xigeenka xisbiga TPLF ahna madaxa xafiiska Xaruunta dhexe ee EPRDF marwo Fetlawarqi G/Igzaaber,oo eedaynta Madaxweyne cabdi Cumar wax laga waydiiyay,ayaa tiri.”Arrintan waxba kama ogi. Aniguna shaqsi ahaan wax uu ii sheegay ma jirto, mana ahaba inuu ii sheego. Cabashada noocan ah isaga oo sharciga iyo nidaamka raacayo xubnaha dowladda ee ay quseyso inuu u gudbiyo ayay ahayd. Sidaa darted arrintan waxba kama ogi. Arrimaha noocan ahna ma aha arrin guddiga fulinta loo soo bandhigo. Aniga waxba kama ogi arrintan”.
 
Sidoo kale Mr Saadaat oo ah madaxa arrimaha Isgaarsiinta ee Xafiiska Xaruunta Dhexe ee EPRDF,oo waxa laga waydiiyay eedaynta Cabdi Cumr ,ayaa yiri “Warbixinta madaxweyne Cabdi waan dhageystay. Mudane Cabdi shirarka wax cabasha ah oo uu si rasmi ah uga jeediyey malaha arrintaa waxba kama ogin. Madaxda sare ee dowladda inuu cabashadiisa gaarsiiyey wey dhici kartaa. Ka xafiis ahaan laakiin arrintaa waxba kama ogin.”.
 
Hadaba hadalka Madaxweyne Cabdi Cumar,ayaa dad badan waxay u arkaan mid uu is leeyahay isku badbaadi ,isla markaana isku muuji siyaasi la jaanqaadi kara isbadalka Itoobiya ka socda.balse Dadka falanqeeya siyaasada Gobolka,ayaa u arka in Madaxweyne Cabdi Cumar wakhtigisiii wacnaa soo afjarmayo,ayna adag tahay in uu ka badbaado arintan uu sida cad saxaafada horteeda uga qairtay

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka