Video:-Madaxweyne Gaas iyo madaxda Somalida ee kale oo ku wajahan shirka Belgium

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo,ayaa ku wa jahan wadanka Belgium oo ay uga qaybgeli doonaan shir ay isugu imaanayaan madaxda Somalida, daneeyayaasha Soomaaliya ee AU, IGAD,EU,UN iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.
 
Shirkan ayaa waxaa kaloo ka qaybgali doona madaxweynaha Dowlada Fadaraalka oo horkici doona waftiga Fadaraalka oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Fadaraalka Soomaaliya.
 
Madaxweynaha jubaland,Koonfur-galbeed,Galmudug iyo Hir-shabelle iyo wafti ay hogaaminayaan,ayaa iyaguna qayb ka ah madaxda Somalida ee shirka ka qaybgali doona.
 
Shirka Belgium oo ah mid muhiim u ah xiligan horusocodka dowladnimo ee Somliaya,ayaa mudada uu socda waxa ay madaxda Somalidu ku soo bandhigi doonaan qorshe iyo siyaasad midaysan oo ku aadan dibu dhiska ciidamada xooga dalka Somaliyed iyo hanashada ammaanka guud ee dalka Somaliya.
 
Shirarkii amniga qaranka ee lagu qabtay magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho ayaa madaxda Soomaalidu waxa ay isku afgarteen qorshaha midaynta iyo dhismaha ciidanka xooga qaranka Soomaaliyeed iyo sidii ay shirkaasi cod midaysan ula tegi lahaayeen.
 
Midowga Yurub oo bixinaya dhaqaalaha shirkaasi iyo kan dhismaha ciidamada ayaa horay uga diidey Dowlada Fadaraalka Somaliya ku doonaysay in ay shirkaasi ku matasho guud ahaan Soomaaliya,iyadoo taa badalkeeda lagu casumey dhammaan dhinacyada Soomaalida si ay u ilaaliso hufnaanta iyo wada socodka.
 
Waxaa midowga Yurub,ayaa u qoondeeyay dhaqaale xoog leh oo ku badan 280 Million oo dollar in uu ku bixiyo ammaanka iyo dib dhiska ciidamada Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka