Maxaad kala socotaa xaalada ‘Jeel Ogaadeen’?

Warbixintan waxaan ka soo uruurinay dad wakhtiyo kala duwan lagu xiray xabsiga Jeel Ogaadeen. Magacyadooda waxaan u qarinnay sababo amaankooda la xiriira.
 
1996 ayaa la aasaasay xabsiga dhexe ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, laakinse ay dadku u yaqaanaan “Jeel Ogaadeen”. Xilligaas waxaa madaxweynaha killilka ahaa Khadar Macallin Cali. Waxaa dhismaha xabsiga qandaraas lagu siiyey Ibraahim xaad oo ka mid ahaa ganacsatadii xilligaas ugu dhaqaalaha roonaa.
 
Waxaa magaalada Jigjiga laga fogeeyey xilligaa 5-6 KM, dhinaca qorrax ka soo bax ee togga Faafan, laakinse hadda magaalada ayaa fidday oo dhaaftay, waxaana la oran karaa wuxuu ku yaallaa bartamaha magaalada.
 
Labada nin – ee ninna uu qandaraaska dhismaha xabsiga bixiyey, ninna uu dhismihiisa qandaraaska ku qaatay – labada isaga ayaa markii dambe lagu xiray.
 
Qiyaastii ilaa 50 askari ayaa habeenkii waardiyeysa. Laba meel oo kala durusan ayaa laga kala waardiyeeyaa. Gaar hayaha hore, qiyaas hal KM ah ayuu u jiraa. Wuxuu leeyahay hal albaab oo weyn oo u sii jeeda dhanka waqooyi.
 
 
Qaybaha xabsiga
 
Wuxuu u qaybsamaa seddex qaybood oo ragga loogu tala galay, iyo seddex qaybood oo dumarka loogu tala galay.
 
Qaybta ugu hoosaysa waxaa lagu xiraa dadka laga soo qabto jabhadda ONLF, waana meesha ugu xun.
 
Qaybta dhexe waa qaybta lagu xiro dadka “rajada leh”, ee la aaminsan yahay in mar uun ay soo bixi doonaan.
 
Qaybta seddexaadna waxa lagu xiraa siyaasiyiinta, ganacsatada, xubnaha maamulka ka soo shaqeeyey iyo duqeyda. Waxaa ku yaalla meel yar oo masaajid ah oo lagu tukado.
 
Dadka ka soo baxay xabsigaas waxay sheegeen in halkii qol lagu xareeyo ilaa 800 oo qof.
 
Xataa dhulka, hal taako oo ka banaan lama helo.
 
Qaybaha dumarka ayaguna waa la mid. Kiisaska qaar, xataa waxaa la sheegay in dumarka carruurtooda lala xiri jiray.
 
Toddobadii sano ee aannu soo dhaafnay, ma jirin maxbuus ay eheladiisu soo booqdeen. Horraantii todobaadkii aan soo dhaafnay ayaa markii ugu horraysay loo fasaxay tiro cayiman oo dad ah inay soo booqdaan dadkooda halkaa ku xiran.
 
2013 maxaabiistii xilligaas xabsiga ku xirnayd waxay sheegeen in maamulka Bakoorado looga soo iibin jiray “Fooqdheere” oo isla Jigjiga gudaheeda ah, ka dibna uu maxaabiista ku amri jiray inay is garaacaan, haddii ay diidaanna uu ku dalban jiray rag u diyaarsanaa inay garaacistaas fuliyaan.
 
Xilligaas waxaa loo yaqaannaa, sida ay maxaabiistii waagaas xabsiga ku xirnayd noo sheegeen “xilligii geerida iyo garaaca”.
 
Xilliyadii sannadahaa ka dambeeyey ee aadka loo ugaarsan jiray ONLF ayey maxaabiistu sheegeen in maamulka xabsiga uu soo rogay in cunnada iyo biyaha laga jaro maxaabiista, waxaana 24kii saac la siin jiray cunno hal mar oo qura, taasoo ahayd canjeerada loo yaqaanno Daafida oo la mariyey “Widdi”.
 
Inta la xaqiijiyey, 18 ruux ayaa markii la soo daayey ee ay biyo afka saareen, ama naf baxay ama isbitaal loola cararay.
 
Sheekooyinka naxdinta leh ee maxaabiistu ka sheekeyeen waxaa ka mid ah „Gidhibka”. Waa meel biyo xireen ah oo ku taalla duleedka magaalada, waxaana la dhisay xilligii uu dalka maamulayey Mingiste. Ujeeddada loo dhisay biyo xireenkaas waa arrimo la xiriira tacbashada beeraha.
 
Bisha ugu qabow sannadka ayaa dadka inta la uruuriyo halkaa lagu guri jiray. Dadkii halkaa la geeyey waxay u badnaayeen dad looga shakisanaa inay xubno ka yihiin al Shabaab. Hase yeeshee dad kalena waa ku jireen.
 
Jirdilka
 
Xabsiga Jeel Ogaadeen waxaa ku yaalla 8 qol, oo afarna ragga loogu tala galay, afarna dumarka.
 
Ma jirto cid nooga warrantay waxa lagu muto gudaha qolalkaas. Dadkii lagu xiray markii aan arrimahaas weydiinnay way naga aamuseen, qaarna wayba ka naxeen markii ay soo xusuusteen. Qolalkaas waxaa lagu sheegay in kiiba uu si ciriiri ah u qaado hal qof.
 
Qofka kaliya ee naga ogolaaday in aan magaciisa sheegno waa Suldaan Fowsi Suldaan Maxamed Cali oo xabsiga ku xirnaa muddo dheer. Wuxuu noo sheegay in shantii sano ee ugu dambeysay muddadii uu xirnaa, lagu hayey kaligii qol ciriiri ah oo uu ku qiyaasay laba mitir. Wuxuu kaloo sheegay in muddo bil ah maalin kasta bakoorado ay ku garaaci jireen “laba nin ilaa ay ka daalaan”.
 
Wuxuu intaa ku daray in loo diiday inuu qaato dawooyinka xanuunnada dhiig karka iyo macaanka, taasna ay keentay in araggiisa ay wax u dhinto.
 
“Ilaa maanta way igu soo kacdaa jugtii berigaa igu dhacday” ayuu yiri Suldaan Fowsi.
 
Waxaa kaloo jiray nin sidii bakoorad loogu garaacayey dhiig sii daayey, laakinse hadda nool oo aan magaciisa qarinay.
 
Dhanka kufsiga dumarka ayaa la sheegay in uu joogto ka dhex ahaa xabsiga.
 
Maxaa loogu bixiyey Magaca “Jeel Ogaadeen”
 
Xabsigaas waxaa la yiraahdaa “xabsiga dhexe ee dawlad deegaanka Soomaalida”, hase yeeshee sababta jeel Ogaadeen loogu bixiyey ayaa ah maadaama dadka ku xirnaa 60% ay ahaayeen dad ka soo jeeda deegaanka Nogob. Waxay u badnaayeen taageerayaasha ONLF.
 
Waxaa kaloo aad loo soo xiri jiray sanooyinkii u dambeeyey macallimiinta dugsiyada quraanka iyo culumada, kuwaasoo lagu tuhmo inay Al Shabaab ka tirsan yihiin.
 
Magaca waxaa bixiyey dadka aan beeshan u dhalan oo la yaabay tirada aadka u badan ee reerka magacaas leh ee madaxweynuhu ka soo jeedo kaga xiran xabsigaas.
 
Imisuu qaadaa
 
Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuu munaasabadii Ciiddul fitriga sheegay in 22000 oo ruux ay seddex sano ka hor ku xirnaayeen xabsigaas. Wuxuu intaa ku daray in 1500 ay iminka ka soo hareen.
 
Inkastoo uusan dhisme ahaan ka weynayn 100 mitir oo dhan kasta ah, haddana dadkii ka soo baxay waxay aaminsan yihiin in tirada maxaabiista halkaa ku jirtay ay u dhaxaysay 33000 – 35000 oo qof. Waxaa jira dad ku dhex dhintay xabsiga sababo la xiriira daryeel la’aan.
 
Todobaadyadii u dambeeyey, sida laga soo xigtay maamulka, waxaa aad loo hadal hayey in laga dhigayo masaajid, laakinse weli dad aan tiradooda la ogayn ayaa ku xiran.
 
Haddiise masaajid laga dhigo, halkaa miyuu ku hari doonaa magacii u baxay xabsigaas?.
 
 
 
Xigasho BBC.