Video:-Wasiirka Amniga Ee Dowlada Fadaraalka Somaliya oo difaacay markale wadooyinka xiran

Wasiir Ducaale ayaa difaacay jidadka la xiray oo shacabka Muqdisho ay maalmihii la soo dhaafay ka cabanayeen, waxaa uu ku dooday in jidadkaas markii la xiray laga hortagay weerarada Al-Shabaab, balse markii shacabka ay ka hadleen jidadkaas oo la dabciyay ay dhacday weerarkii Sabtidii.

“Markii jidadka la xiray nimankaan nabad diidka Al-Shabaab waxay soo dhex galeen shacabka oo ay ka dhex hadal siinayaan, Shabaab waa dad Soomaaliyeed oo anaga nagu dhex jira, waxaa aaminsanahay in waxa meelaha ka hadlaya ay iyaga yihiin, markii  jidadka la dabciyayna waxaa dhacday weerarkii Sabtidii la soo dhaafay”ayuu yiri Wasiir Ducaale oo wareysi siiyay Telefishinka RTN.

Waxaa uu sheegay in dad badan loo xiray weerarkaas oo ay ku jiraan ciidamo, isla markaana aanay horay u dhici jirin dad weerarada loo xiray, taasna ay ka mid tahay isla xisaabtanka, isagoo intaa raaciyay in dhowaan ay war ka soo saari doonaan

Mar uu ka hadlayay ciidanka Xasilinta ee suga Amniga Caasimadda ayuu sheegay inay wax badan ka bedeleen amniga Caasimadda, isla markaana ay ku saleysan yihiin ciidamada qalabka sida,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka