Shirkii Belgium Ee Somalida oo si rasmi ah ufurmay goor dhawayd

Waxaa goor dhaw magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka si rasmi ah uga furmay shir heer caalami ah oo loogu eegayo xaalada Soomaaliya.

Shirkan ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameyn doona wax-yaabihii ka hirgalay shirkii horey loogu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa shir ka qaybgalaya.

Dhanka beesha caalamka waxaa shirka ka qaybgalaya daneeyayaasha Somaliya,maalgashadayaal caalamiya,iyo Madax sare oo caalmak ka kala socota.

Ajandaha looga hadlayo shirka inta uu socdo ayaa waxaa ka mid ah arrimaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo qodobo kale oo ka hadlaya horumarinta iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas,ayaa shirka ka jeedin doona khudbad in badan oo kasoq aybgalayaasha ah ay sugayaan.