Video:-Madaxweyne Gaas oo ujawaabay Muuse Biixi iyo Ergooyinka usoo dirsaday

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka qayb ka ah madaxda ka qaybgalaysa shirka Somalida ee Belgium,ayaa ka hadlay sanadguurada 20-aad ee Puntland iyo dagaalka Tukaraq.

Madaxweyne Gaas waxuu yiri”Puntland waa 20-tan jirsatay guulo la taaban karo ayay gaartay shacab iyo xukuumad-ba ,waxaana urajaynayaa in ay gaari doono 20-ka sano ee danbe ee soo socota horumar ka baaxadw eyn midka ay gaartay 20-kii sano ee lasoo dhaafay”

Madaxweyne Gaas oo ka jawaabayay su’aal kale oo la waydiiyay oo ahayd colaada Tukaraq iyo Muuse Biixi,ayaa yiri”Muuse dagaal buu soo qaaday waxuuna u haystaa in uu Xabad wax ku haysan karo,balse xabadu Nin walbaa way kartaa taas ayuuna wax ku fahamyaan,iskama tagayo Muuse ee Dadka dhulka leh ayaa laga rabaa in ay iska kaxeeyaan,beel caalan makaxayn karto anaguse waa ogaysiinay hadana waa ku celinaynaa”,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka