Video:-Xisaabiyihii Gobolka Mudug Ee cusbaa Oo xilkii la wareegay

Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada Puntland ee Gobalka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Maxamuud Diiriye (Geesey),ayaa xilka maanta kala wareegay kaaliyihii xisaabiyihii hore ee is casilay 24kii june Barkhadle Aadan Muuse, kadib markii Musuqmaasuq dartiis ay xilka wasaaradda maaliyadda dawladda Puntland ka joojisay 17-kii june.
 
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland C/laahi Siciid Caarshe, Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmadda Gaalkacyo iyo marti sharaf kale.
 
Xisaabiyaha maanta xilka la wareegay Ismaaciil Cabdinuur Maxamuud Diiriye (Geesey) ayaa ah masuul dhalinyaro ah ooa qoon yahan ah,karti iyo wadaniyad lagu yaqaan,
 
Xisaabiye Geeseey,ayaa xilkan loo magacaabay 04-tii july 2018-ka,
 
Geeseey,ayaa khudbad aad uqiimo badan oo uu kula hadlay bulshada Mudug ka jeediyay maadsha xil wareejintu ka dhacday,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka