Waftigii Jubaland oo lagu qanciyay in ay shirka dib ugu soo laabtaan

Waftigii Dowlada Jubaland oo ugu danbayn lagu qanciyay in ay shirka dib ugu soo laabtaan ka bxitaankoodii saacad ka hor maadsha shirka ka socdo.
 
Madaxweyne Axmed Madoobe oo hogaaminaya waftiga Jubaland,ayaa shirka iskaga baxay,isagoo ashtako ka ahaa hab maamuuska loola dhaqmay oo hooseeyay iyo ajandihii shirka ee laysla ogaa oo wax laga badalay.
 
Dadaalo ay sameeyeen Midowga Yurub iyo Puntland,ayaa ugu danbeyn lagu qanciyay inuu shirka dib ugus oo laabto Madaxweyne Axmed Madoobe.
 
Madaxweyne Axmed Madoobe ,ayaa hada hareer fadhiya madaxda kale ee Somalida ,isagoo si buuxda uqaatay baratakoolkisii iyo doorkisii shirka.
 
Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa maamulka Jubaland ku haysa dagaal hoosaadka loo yaqaan ”dagaal Shaanshiyeedka”.