Maxaa kala socotaa khilaafka sii xoogaysanaya Ee dhexyaal Farmaajo iyo Khayre?

Warar aan ka helayno ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa tibaaxaya in uu jiro kala duwanaan xoog leh oo Madaxweyne Farmaajo iyo ra’isalwasaare Khayre iyo Fahad Yaasiin oo dhinac ah,kaasoo maalinba maalinta kasii danbaysa usii ekaanaya khilaaf.
 
Arimaha laysku diidan yahay ee keenay kala duwanaanshaha usii ekaanaya khilaaf xoog leh oo Dadka siyaasada Muqdisho la socdaa ay ku tilmaamayaan mid aan sii dabool naan doonin,ayaa ukala qaybsan labo arimood,kuwaasoo kala ah:-
 
1.Khayre iyo Fahad Yaasiin waxay si buuxda u taageereen gacantana ugu galeen dalka Qadar.
 
Madaxweyne Farmaajo arinkaas meel dhexe ka taagan yahay,isla markaana doodiisu ay ku fadhido in aan la muujin taageerada buuxda ee Qadar loo hayo,isla markaana aan isku wadno caalamkoo dhan,gaar ahaan Itoobiya iyo Imaaraadka oo isku dhinac ah.
 
Khayre iyo Fahad Yaasiin-ka isku dhinaca ah,ayaa arinkaas kaga duwan Farmaajo waxayna qabaan dood ah in aan waxba la daboolin oo si cad loo raaco siyaasada Qadar.
 
Qadar waxay aad udanaynaysaa in ay meesha ka saarto heshiiska Itoobiya iyo Somaliya ay wada galeen ee ku aadan Dekedaha Somaliya.kaasoo ay ka urisay Imaaraadka in uu daba ka riixayo.
 
Arinka Labaad ee laysku hayo layskuna mari la’a yahay,ayaa ah:-
 
2.Kheyre oo soo jeediyay in uu badalo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amniga iyo Waxbarashada,soo jeedintaas oo uu Madaxweyne Farmaajo ku gacansayray.
 
Khayre,ayaa qaba in Wasiirka Amniga uu fashilmay amaankii Magaalada kaliya ee ay dowladu sheegato in ay si buuxda uga talisona uu gacanta ka baxay.
 
Sidoo kale Wasiirka waxbarashada oo ay Kheyre yihiin saaxiibbo waqti dheer ayuu rabaa in uuku badelo Goodax Barre oo isagu xildhibaan ah. Waxaa intaas dheer in Wasiirka Waxbarashada uu uwado safiirka Somaliya u fadhiyi doona South Africa.
 
Khayre waxuu kaloo si adag udiidan yahay Wasiirka arimaha dibada oo uu arko Nin aan miisaan lahayn Puntland oo uu kasoo jeedana aan wax tixgalin ah ku dhex lahayn,isla markaana ku guul daraystay in uu isku xiro Puntland iyo Dowlada Fadaraalka ah.
 
Guud ahaan soo jeedinta khayre ee ku aadan Wasiirada uu dhaliilay Madaxweyne Farmaajo waa kaga duwan yahay,waxuuna qabaa in xaaladu sidaa ka duwan tahay Wasiirada dhalishoodana si kale loo maarayn karo.
 
Khayre ayaa sidaanoo kale udhaliilay Wasiiro iyo Talyayaal Ciidan,iyadoo Madaxweyne Farmaajo kaga duwanaa aragtidiisa,balse markii danbe utanaasulay Khayre.
 
Masuuliyiinta la xusi karo ee ay wada shaqayn wayeen Khayre Madaxweyne Farmaajo isku dayay in uu dhexdhexaadiyo tiro ka dhawr jeer,ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxaa.
 
Isku soo wada duuboo ra’isalwasaare Khayre,ayaa lagu tilmaamaa Nin ad-adag oo qalafsan ayna ku jirto sas uu ka qabo beelaha Somaliyed qaarkood.isla markaana xanbaarsan siyaasado iyo dano Dowlado iyo ururo shisheeye ay leeyihiin.