Ra’isalwasaare khayre iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo kusoo wajahan Puntland

Ra’isalwasaaraha Dowlada Fadaraalka Somaliya iyo wafti uu hogaaminayo ayaa kusoo wajahan Puntland bishan dhamaadkeeda.
 
Khayre oo hogaaminaya wafti ka kooban Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ayaa imaan doona Puntland 29-ka bishan.
 
Qorshaha booqashada Khayre ee Puntland ayaa uqaybsan laba qaybood,kuwaasoo kala ah:-
 
1.Shirka Golaha Wasiirada Fadaraalka ee khamiislaha ah oo Garowe ku qabsoomi doona.
 
2.Dhagaxdhiga Mashruuca dhismaha Dekeda Garacad ee diyaarka ah laguna sharfay madaxda Fadaraalka in ay goobjoog ka ahaadaan bilaabistiisa.
 
Ra’isalwasaare Khayre iyo waftigiisu waxay safar dhanka dhulka ah ku maridoonaan dhul balaaran oo Puntland ka mid ah.
 
Khayre iyo waftigiisa,ayaa dib ugu laaban doona Muqdisho 3-da bisha 8-aad.
 
Dhawr jeer oo hore ayuu dib u dhac ku yimid booqashada hada la xaqiijiyay ee Ra’isalwasaare Khayre sababo lagu sheegay cudurdaarasho ka timid dhanka Puntland.