Video:-‘Madaxweyne Gaas’Majirto xili kororsi aan samaynayo doorashaduna xiligeedii ayay ku dhacaysaa”

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,ayaa si xoog leh iskaga bari yeelay ,isla markaana iskaga fogeeyay in uu samaynayo mudo kororsi.

Madaxweyne Gaas oo la waydiiyay su’aal ahayd waxaa jira warar maantaba shirka lagu soo qaaday oo ah in mudo kororsi uu jiro guud ahaan Somaliya oo xataa Dowlada Fadaraalku xiliga kororsanayso ee adigu makororsanaysaa?

”Warkaas ma umalaynayo in uu jiro mana filayo in uu jiro qof ku fakaraya mudo kororsi,lkn haduu suuqa soo galay waa in laga hadlaa oo meesha laga saaraa,mudo kororsi majiro cid kursiga xoog ku haysan kartaana majirto ninkii raba in uu soo laabtana ha tartamo hadii kale xilka ha wareejiyo,doorashadu waa dhacaysaa xiligeedii ayay ku dhacaysaa”ayuu yiri Madaxweyne Gaas..

Dhanka kale Madaxweyne Gaas waxuu rajo fiican ka muujiyay shirka iyo natiijada laga filan karo in ay kasoo baxdo,sidoo kale waxuu bogaadiyay heerka uu hada marayo iyo hiigsiga mustaqbal ee nidaamka Dowliga ah ee Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka