Video:-Trump iyo Putin oo ku kulmay Finland

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa beeniyey inuu wax akhbaaraad ah oo dhaawici kara ka hayo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Putin ayaa wareysi uu siiyey weriye Chris Wallace oo ka tirsan taleefishinka Fox News waxa uu sidoo kale ugu yeeray fikradda ah in Ruushk uu faro-geliyey doorashadii Mareykanka ee 2016 mid nacasnimo ah.

“Miyaad rumeysan tahay in qof matalaya Ruushka uu saameyn karo Mareykanka iyo doorashada malaayiin qof oo Mareykan ah” ayuu yiri Putin.

Wareysiga oo la sii daayey habeenkii isniinta ayaa waxyar un kadib markii Trump iyo Putin ay ku kulmeen magaalada Helsinki ee dalka Finalnd.

Putin ayaa sidoo kale diiday inuu Wallace kala hadlo sheekada la xiriirta dacwaddii uu baaraha faro-gelinta Ruushka ee doorashada Mareykanka Robert Muller kusoo oogay 12 sarkaal oo Ruushiyaan ah.

Madaxweyne Trump ayaa si aad ah shalay loogu dhalleeceeyey inuu sirdoonka Mareykanka kala saftay madaxweyne Putin, isaga oo diiday inuu rumeysto sheegistooda ah in Ruushku faro-geliyey doorashada Mareykanka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka