Video:-Xulka Kubada Cagta Ee Faransiiska oo soo dhaweyn Qaran loo sameeyay

Xulka kubadda cagta Faransiiska oo ku guuleystay Koobka Adduunka ee sanadkan 2018 ayaa dib ugu laabtay dalkooda, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Paris.
 
Boqolaal kun oo taageerayaal isugu soo baxay fagaarayaasha waa weyn iyo waddooyinka Paris ayaa soo dhoweeyay geesiyaaasha ciyaartoyda Faransiiska ee u soo hoyay in markii labaad ay ku guuleystaan Koobka Adduunka.
 
Ciyaartoyda oo wajiyadooda farxada ka muuqatay ayaa fagaarayaasha la tagay koobkooda, iyagoo saarnaa gaari bas oo dusha ka furnaa, waxaana ay kor u qaadayeen koobka.
 
Diyaarado ayaa la arkayay oo dul heehaabayay, kuwaasoo sii deynayay calanka Faransiiska, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.
 
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku soo dhoweeyay xidigaha Faransiiska iyo Tababarahooda Qasriga Madaxtooyada, halkaasoo munaasabad kooban ka dhacday.
 
Xulka Faransiiska ayaa ciyaartii kama dambeysta ee Finalka waxay 4-2 uga badiyeen xulka Croatia,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka