Wasiir-dowle Xayir oo ka hor yimid go’aankii Wasiirka Maaliyada Fadaraalka Beyle

Wasiiru Dowladaha maaliyada ee Dowlada Fadaraalka Somaliya Maxamuud Xayir Ibraahim,ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aankii Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Beyle uu shaqadii Wasaarada uga sii tagay Wasiir ku xigeenka Maaliyada,iyadoo uu gudaha dalka ku sugan yahay Wasiiru Dowlihii Wasaarada.

Wasiir Xayir,ayaa soo saaray Warqad uu ku saxiixan yahay oo uu ku qeexayo sida uu sharcidaro u yahay go’aankaas,,isla markaana uu ku cadaynayo xeer hoosaadka qeexaya habka wada shaqaynta Wasaaradaha Fadaraalka

Wasiir Beyle ayaa xiligan ku sugan Dalka Belgium,halkaasoo kaga qaybgalayo shirka caalamiga ah ee loo qabtay Somalida.

 

Hoos ka akhriso warqada kasoo baxday Xaafiiska Wasiiru Dowlaha:-