Nuxurkii war-murtiyeedkii Wada-jirka uga soo baxay shirkii Brussels

Waxaa Maanta lagu soo geba-gabeeyey Magaalada Brussels ee Dalka Belgium shir heer caalami ah oo soconayay 16th ilaa 17th, July, 2018, shirka waxaa kasoo qayb-galey ergo isaga timid 58 dal iyo 6 uru oo caalami ah, shirkaan ayaa daba-socdey shir hore oo gogol-xaar u ahaa kana dhacay Magaalada Mogadishu ee Caasumada Dalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 5th, December, 2017.

War-murtiyeedka wada-jirka ah ee shirka kasoo baxay ayaa wuxuu ka kooban yahay 81 qodob oo laga gaarey dhinacyada Siyaasadda, Ammaanka, Kobcinta Dhaqaalaha, Kaalmada Gargaarka Aaadanaha, Xaquuqda Insaanka iyo Iskaashiga Ururada iyo Dawladaha, qodobada intooda badan ayaa ku saabsan arimo farsamo iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa laamaha kala-duwan ee ka wada-shaqeeya geedi-socodka horumarinta arimaha Soomaaliya, balse qormadaan ayaan kusoo koobi doonaa nuxurka qaybaha kor ku xusan ee war-murtiyeedka.

Madasha Shirka Brussels waxaa furey Madaxweynaha Dawlada Federalka ah Ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyadoo ay shirka la daadihinayeen Mudaneyaasha kala ah Federica Mogherini oo ah Ergey Sare oo ka socda Golaha Midowga arimaha dibada, Siyaasada iyo Ammaanka, Mudane Margot Wallstrom oo ah wasiirka Arimaha Dibada Dalka Sweden, Waxaa shirka Madaxweynaha Soomaaliya la gudoominayay Mudane Smail Chergui oo ka socdey Golaha Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Nabada iyo Amaanka, waxaa kaloo kasoo qayb-galey Rosemary di Carlo oo ah Xiriirka Xog-hayaha Qaramada Midoobey kala shaqeeya arimaha siyaasada caalamka, Mudane Hafez Ghanem Madaxweyne-kuxigeenka Bangiga Aduunka ee qaabilsan arimaha Afrika iyo Lindy Cameron oo ah Agaasimaha Guud ahna qaabilsanaha Barnaamijyada Wadamada ee Waaxda Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Horumarinta Caalamka (DFID).

 

Siyaasada”

Beesha caalamku waxay soo dhawaysay oo taageeraysaa hanaanka siyaasadeed ee uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo dadaalada uu ku doonayo inuu ku gaarsiiyo dalka 2020-ka doorasho qof iyo cod ah kuna salaysan hanaanka xisbiyada badan. Beesha caalamku waxay kaloo ku talinayaan in Dawladdu kusoo dabaasho dawlad goboleedyada ka tirsan hanaan siyaasadeed oo loo dhan yahay iyadoo laga qayb-galinayo dhamaystirka hanaanka federaalaynta wadanka iyo doorarka dhismaha dastuurka dalka sid ku cad tubta siyaasadeed ee dalka iyo habka tilaabooyinka siyaasadeed ee loo dhan-yahay. Waxaa laamaha kale ee dawlad federalka lagula taliyey iney hawlahooda u gutaan si dastuurka waafaqsan una gogol xaadhaan tubta hanaanka siyaasadeed ee dalka si loo gaaro doorashada xisbiyada badan ee qof iyo codka ah sanada 2020.

Beesha caalamku waxay dawladda federalka iyo dawladaha xubnaha ka ah ka codsadey kuna boorisey iney dajiyaan saxmada siyaasadeed ee dalka ka taagan marxalada lagu jiro iyo in la hirgaliyo nidaam suurto-galinaya in dhaqaalaha dawlada loo maamulo si ku dheehan karti iyo hufnaan kana madax-banaan musuq iyo is-daba-marin hantida dawlada ama in loo isticmaalo marin aan loogu talo-galin, si gaar ah beesha caalamku waxay u codsatey in dalka laga hir-galiyo golaha la-dagaalanka musuqa “Anti-Corruption Commission” iyagoo ugu baaqey dhamaan hay’adaha caalamka ay quseyso iney kaalmo farsamo iyo mid dhaqaale ka gaystaan doorkaan.

Waxay Beesha Caalamku muujiyeen wal-walka ay ka qabaan colaada ka aloosan deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool ee u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland waxayna labada dhinac ugu baaqeen iney si degdeg colaada u damiyaan, ciidamada kala qaadaan, kuna soo dabaalaan arinta wada-hadalo-siyaasadeed isla markaasna u fududeeyaan hay’adaha arimaha bini-aadantinimada iney gargaar u fidiyaan dadka deegaanka ee kasoo baro-kacey colaada Tuka-raq.

 

Ammaanka”

Beesha caalamku waxay bogaadiyeen sida dawladda federalku u qaabaysay hanaanka farsamo ee lagu sameeyey qorshaha ku-meel-gaarka ah ee ammaanka iyagoo kala shaqeeyey wasaaradda Amniga, AMISOM, Laamaha Ciidamada Dalka, iyo Dalalka naga taageera Tababarka Ciidamada Asluubta iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ku shaqo leh.

Waxay kaloo soo dhaweeyeen qorshayaasha ku-meel-gaarka ah ee loo dajiyey deegaanada aysan ciidamada AMISOM joogin ee ah in la xoojiyo hay’adahooda ammaanka iyo maamuladooda iyo in laga taageero dhismaha hay’adaha maamul-wanaaga, dibu-heshiisiinta, dajinta jawigooda siyaasadeed, dhisidda hanaanka maamul iyo hay’adaha cadaalada si loo helo nidaam xushmaynaya xaquuqda aadanaha iyo dhawrista shacabka iyadoo il-gooni ah lagu eegayo xaquuqda dumarka iyo caruurta iyo ka hor-taga falalka argagixisada loogana hor-tago hanaan amni oo gudo balaaran.

 

Kobcinta Dhaqaalaha”

Beesha caalamku waxay garowsatey dadaalka dawladda federalku ugu jirto iney dib-u-nooleyso dhaqaalaha wadanka una abuurto deganaansho dhaqaale iyagoo xoojinaya siyaasadda dhaqaalaha wadanka, dib-u-dhisaya hay’adaha maaliyada iyo lacagta wadanka, arimahaanoo dhamaantood dalka gaarsiinaya in laga khafiifiyo daynka badan ee lagu leeyahay.

Waxay Beesha Caalamku soo dhaweeyeen guulihii dawlada Soomaaliya ka gaartey shirarkii hay’ada lacagta adduunku la-gashey dawlada oo lagu kormeeray hanaanka shaqaalaha iyo shaqaalaynta wadanka oo kulankii koowaad lagu qancay iyadoo rajo kasii badan intaas laga qabo shirarka kale ee noociisa ee hay’adda lacagta aduunku ku kormeeri doonto wasaarada maaliyada iyo hay’adaha la xiriira ee wadanka taasoo u gogol-xaaraysa in hay’adaha lacagaha aduunku xiriir caadi ah la yeeshaan Soomaaliya, waxna ka taraysa hanaanka khafiifinta daymaha dalka lagu leeyahay.

Waxay taageeri doonaan Beesha Caalamku Dadaalka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ku doonayo inuu dib-u-nooleeyo lacagta dalka soona daabaco lacago cusub taasoo dawlada federalka muhiimada koowaad ugu jirta, waxay intaas ku dareen, mar hadii lagu guuleysto bandhiga lacagta cusub ee dalka lana hir-galiyo iney wax-wayn ka tarayso guulo laga gaaro dhanka lacagta wadanka. In la mideeyo hanaanka bixinta lacagaha wadanka waxay soo noolaynaysaa midnimada wadanka. Waxaanu ogsoonahay qorshaha iyo baahida loo qabo in dalku soo daabaco lacag shilin soomaali ah oo cusub wajiga koowaad waana ku casumaynaa dhamaan hay’adaha ay quseyso iney kaalmo ka gaystaan.

 

Kaalmada Adduunka iyo Gargaarka Aadanaha”

Beesha caalamku waxay ogsoon tahay in Soomaalidu sanad kasta khatar ugu jirto Abaar, daadad, cuduro iyo khilaafaad iyagoo adkaysi ka dhaxley soo noq-noqoshada caqabadahan dabiiciga ah, waxay mahadiyeen sidii isku duubnida lahayd ee bulshada Soomaalida iyo maamuladeedu uga soo samata-baxeen abaartii SIMA ee 2017 dalka ku dhufatey.

Inkastoo wax badan ka hagaageen marxaladii baahida bini-aadantinimo ee dalka hadana 5.4 malyan oo Soomaali ah waxay ku jiraan marxalad ay u baahi-qabaan taageero bini-aadantinimo kuwaasoo 2.5 ka mid u baahan yihiin kaalmo deg deg ah oo cunto, waxaa kaloo jira 2.6 malyan oo Soomaali oo dalka dhexdiisa ku baro-kacey una baahan habab kala duwan oo mucaawino ah iyo dhawris xaquuqdooda aasaasiga ah kuwaasoo khatar ugu jira khataro ay ka mid yihiin in si khasab ah looga saaro hoygooda ama dib loo baro-kiciyo.

Midowga Yurub kaliya ayaa manta ugu yaboohay dalka Soomaaliya kaalmo dhaqaale oo gaar ah oo ah 200 million oo Yuuro si ay ugu horumariyaan arimaha siyaasada iyo kobcinta dhaqaalaha halka ay 114.2 million oo Yuuro oo dheeri ah ugu deeqeen ciidamada AMISOM ee afrikanka ah ee nabad ilaalinta u jooga dalka, midowga yurub waxay kaloo xuseen dhaqaalihii ka baxay tan iyo bilowgii dadaalka nabadaynta Soomaaliya inuu gaarayo 1.6 billion oo yuuro, waxay kaloo sheegeen iney dhaqaale ku bixiyaan xarumahooda iyo barnaamijyo bini-aadantinimo oo ay toos Soomaaliya uga fuliyaan midowga yurub kuwaasoo lagu kobciyo dhaqaalaha, siyaasada iyo amniga wadanka.
Is-kaashiga Hay’adaha kala duwan ee Dalka iyo Dibada.

Ugu dambayntii waxaan soo dhawaynaynaa horumarintii lagu sameeyey hanaanka hufnaanta iyo isla-xisaabtanka ee ka dhaxayn doona dawlada Soomaaliya iyo deeq-bixiyeyaasha hanaankaas oo suurto-galinaya habsami u fulinta dhaqaalaha deeqaha horumarinta iyo dibu-dhiska dalka, habkaasi wuxuu hormuud u noqonayaa in si wada jir ah loo wada-fuliyo dhaqaalaha is-kaashiga lagu kabayo dhismaha wadanka.

Waxaan dhiiri-galinaynaa in adeegyada bulshada iyo horumarintooda la siiyo fiiro-gaar ah mudada fulinta barnaamijyada la maal-galiyey, waxaan ugu baaqaynaa dhamaan hay’adaha caalamiga iney ka gaystaan kaalmo ku salaysan tahay ujeedooyinka horumarineed ee la isku raacay mudadii kulankaani socdey kuwaasoo la doonayo iney noqdaan fikrado wax-qabad oo Soomaalida ka yimid iyaguna hormuud ka yihiin, sidoo kalena hay’ada waxaan ku dhiiri-galinaynaa iney wax-qabadkooda iyo qorshayaashooda la wadaagaan golayaasha jira ee loogu talo-galey iney daba-galaan oo hubiyaan wax-qabadka lagu fulinayo Soomaaliya ee Beesha Caalamku doorka kaalmada ku leedahay.

Waxaan halkaan ugu mahadcelinaynaa Midowga Yurub iyo dawlada yurub marti-galintii shirkii Soomaalida iyo Beesha Caalamka la isugu keenay magaalada Brussels ee Dalka Belgium, waxaan rajaynaynaa in hawlaha la isku raacay ay kasoo baxaan wax-qabad la taaban karo oo u-gogol xaara kulanka labaad ee qabsoomi doona mudo 6 bilood ah.

 

 

idilNews Belgium..