Video:-Trump oo ka laabtay Hadalkii uu ka hor yiri Putin kulankoodii Helsinki

Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa Talaadadii shalay beddelay hadal uu ka sheegay shir-madaxeedkii magaalada Helinski ee dalka Finland ee dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Madaxweyne Trump ayaa hadda sheegay in uu qaatay macluumaadkii sirdoonka Maraykanka ee ku saabsanaa in Ruushku uu faraha la galay doorashadii Maraykanka ee 2016kii, isaga oo maalin ka horna Madaxweyne Putin ku raacay in Ruushku uuna wax kaalin ah ku lahayn faragalinta doorashadii madaxtinimo ee Maraykanka.

Madaxweyne Trump ayaa yiri isaga oo wariyeyaasha kula hadlaya Aqalka Cad “Waxaan ogolaaday gunaanadkii ay bulshadeena sirdoonku ka gaartay in Ruushku uu faraha la galay doorashadii 2016kii. Dad kale ayaa iyagana laga yaabaa.” Ayuu sii raaciyey madaxweyne Trump.

Hadalkiisan dambe ayaa yimid hal maalin ka dib markii iyada oo la wada arkayo uu oglaaday diidmadii Madaxweyne Vladimar Putin uu ka bixiyey faragalinta doorashada Maraykanka.

Arrintan ayaa Madaxweyne Trump u keentay dhaleecayn xoog badan oo kaga timid sharci-dejiyeyaasha labada xisbi, iyaga oo ku canaantay in uu Trump uu qaatay hadalka hogaamiye dal kale, isla markaana uu baal maray hay’adihiisii sirdoonka. Sharci-dejiyeyaasha ayaa hadalkan Trump ku sheegay mid ceeb iyo sharaf dhac ku madaxweynenimada Maraykanka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka