Video:-Madaxweyne Axmed Madoobe oo loo diiday in uu soo galo Dalka Sweden

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed islaam oo dib looga celiyay garoonka diyaaradaha Brusel ee dalka Belgium xili uu qorshaynayay in uu usoo kicitimo dalka Sweden.
 
Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa qorshihiisu ahaa in uu ka qaybgalo kulan balaaran oo ay iskugu imaanayaan jaaliyadaha Jubaland ee Qaarada Yurub..
 
Masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Jubaland oo idilNews ay la xiriirtay,ayaa noo xaqiijiyay baaqashada Madaxweynaha.
 
Sidoo kale Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowlada Sweden ay diiday soo gelida dalkeeda ee Madaxweyne Axmed Madoobe,iyadoo ka duulaysa eedayn meel sare la gaarsiiyay oo ka dhan ah,taasoo ku aadan iibinta dhuxusha.
 
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay in uu qayb weyn ku leeyahay Dhuxusha sida xad dhaafka ah uga dhoofta Jubaland ,gaar ahaan Dekeda kismaayo,waxaana eedayntan dabada ka riixaya oo ada u olalaynaya masuuliyiin ka mid ah Dowlada Fadaraalka Somaliya.sida ay xogta ku heshay idilnews.
 
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Madaxweyne Axmed Madoobe diiday in uu ka qaybgalo shirkii Belgium kadib markii ajandaha shirka lagu soo daray qaraar ka hadlaya iibka Dhuxusha,kaasoo markii danbe laga saaray ajandaha.
 
Waxaa jira dadaalo ay wadaan masuuliyiin miisaan ku dhex leh Dalka Sweden oo ay iskugu dayayaan in loo ogolaado Madaxweyne Axmed Madoobe soo gelida dalkaas.si uu uga qaybgalo kulan weynaha jaaliyadaha Yurub ee Jubaland.