Wariye Yoonis Cali Nuur oo geeriyooday

Alaha u naxariistee waxaa xalay isbitaal ku yaala magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Wariye Yoonis Cali Nuur oo ka mid ahaa wariyeyaasha ugu caansanaa Warbaahinta Soomaalida, isagoo ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho iyo Idaacadda laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da.
 
Yoonis Cali Nuur ayaa muddo dheer saxaafada ku soo jiray, isagoo ka shaqo bilaabay Radio Muqdisho, sidoo kale sanadkii 1983 ku biiray Laanta Afka Soomaaliga BBC-da.
 
Yoonis Cali Nuur ayaa muddo dheer saxaafada ku soo jiray, waxaana lagu tilmaamaa aabayaasha Warbaahinta.
 
Yoonis Cali Nuur waxaa uu dhashay sanadkii 1952, isaga oo ku dhashay deegaanka Arabsiyo ee agagaarka magaalada Hargeysa.
 
Marxuumka ayaa ka tegay labo xaas iyo sideed carruur ah.