Mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Hir-shabelle oo la dilay

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay lagu dilay nin lagu magacaabayay Cabi Cali Gareen oo ka mid ahaa Ergadii dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda Hirshabeelle.
 
Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay inay ninkaas ku dileen goob ganacsi uu ku lahaa mid ka mid ah xaafadaha Beledweyne, iyagoo goobta ka baxsaday ragga dilka geystay.
 
Ciidamada ammaanka Beledweyn ayaa la sheegay in wadaan baadigoobka kooxihii dilka ka dambeeyay, waxaana ka socda xaafadaha magaalada howl gallo baaritaano ah.
 
Dilalka loo geysto ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada ayaa muddooyinkii u danbeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho, waxaana dilalka ka danbeysay Al-Shabaab.