Ugu danbayntii Axmed Madoobe oo lagu guulaystay in uu Sweden soo galo

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed islaam iyo wafti uu hogaaminayo ayaa goor dhawayd soo gaaray Dalka Sweden.

Madaxweynaha iyo waftigiisa oo kasoo kicitimay Dalka Belgium oo qayb kaga ahaa  shirkii looga xaajoonayay amaanka Somaliya.

Jaaliyada Jubaland ee dalka Sweden,ayaa soo dhaweynta Madxweynaha iyo waftigiisa door muhiim ah ka qaadatay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ,aya aku sugnaand oona halkaas maalmaha soo socda waxuna goob joog ka ahaan doonaa shirweynaha jaaliyadaha Jubaland ee Qaarada yirub,kaasoo maalinimada beri ah ka furmi doona dalkaas.

Dhanka kale waxaa lagu guulaystay in Dowlada Sweden laga dhaadhiciyo in ay dalkeeda u ogolaato in uu soo galo Madaxweyne Axmed Madoobe ,kadib markii warbxino si khaldan looga qoray Madaxweynaha dartood ay Dowlada Sweden udiiday soo galida dalkeeda.

Kooxda Nabad iyo Nolol ee Vila Somaliya hogaamisa xiligan,ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe ka gudbiyay  dacwado ku aadan gubida  deegaanka  iyo ka gacansiga dhuxusha.