Video:-Muuse Biixi”Faysal oo Farmaajo la fadhiya ayaan aragnay waana ku amakaagnay”

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa markii ugu horeesay ka hadlay shirkii looga hadlayay arimaha Soomaaliya ee ka dhacay dalka Biljamka iyo kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Feysal Cali Waraabe.
 
”Gudoomiyihii Xisbiga UCID ayaa tagay Bruesless maanan ogeyn mana nagala tashan , waana arin u baahan in dib la isaga arko, amakaag ayey nagu noqotay kulankaas, xataa maanaan ogeyn in uu baxay isaga oo Farmaajo la jooga aragnay dee amakaag bey nagu noqotay” Ayuu yiri Muuse Biixi.
 
 
Hadaba hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka