Xubin ka tirsan Daacish oo Maxkamada Ciidamada Muqdisho lasoo taagay

Maxkamadda Darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka soo muuqday Jaamac Xuseen Xasan oo lagu eedeeyay in muuqaalada uu u duubi jiray Kooxda Daacisho.
 
Eedeeynsane Jaamac ayaa lasoo qabtay sida Ciidamada amniga ay sheegeen asigoo aasayay Miino aga gaarka deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose 18- bishii Abriil ee sanadkaan.
 
Jaamac ayaa sidoo la sheegay in tan iyo sanadkii 2013 kii uu ka mid ahaa kooxaha Al-shabaab iyo Daacisho.
 
Waqti dheer kadib Guddoomiyaha Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada qalaabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhigii maxkmadda, waxa uuna sheegay go’aanka Maxkamadda ay dib ka soo saari doonaan.