Colaadii Oromada iyo Somalida Itoobiya oo meel xun maraysa

Ku dhawaad 200 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku xayiran degaanka Guji oo ku yaalla Xadka ay wadaagaan Soomaalida iyo Oromadda ee dalka Itoobiya.
 
Dadkaan ayaa kasoo barakacay degaano u dhow halka ay ku sugan yihiin ciidamada Oromadda, waxaana ay ku jiraan saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska dalka Itoobiya.
 
Dadkaan ayaa sheegay in aysan heysanin meel ay u baxaan,islamarkaana hadii ay banaanka u soo baxaan in ay halkaasi ay ku dili doonaan ciidamada Oromadda.
 
Bilihii udanbeeyay waxaa si xoog leh usocda colaad u dhaxaysa Somalida iyo Oromada Itoobiya,taasoo hada maraysa heerkii ugu sareeyay.