Nin 3-kun oo shilin Somaliya loogu dilay Muqdisho

Dilka ayaa ka dhacay Suuqa degmada Kaaraan oo ah meel aad u mashquul badan, iyadoo qofka la dilay uu ahaa Nin waday gaari ka shaqeeya Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
 
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dilka ka hor ay jirtay muran u dhexeeyay askariga iyo qofkii gaariga waday, waxaana muranka uu salka ku hayay bixinta lacag baad ahaa.
 
Wararka ayaa intaa ku daraya darawalka uu iska diiday bixinta lacagtaas, taasoo keentay in markii dambe uu askariga rasaas ku furo, dabadeedna uu goobta ku dhintay.
 
Ciidamo Boolis ah oo ka tagay saldhiga degmada Kaaraan ayaa daqiiqado kadib gaaray goobta uu dilka ka dhacay, inkastoo askariga dilka geysatay uu baxsaday, waxaana ay goobta ka qaadeen meydka darawalka oo la geeyay xarunta dambi barista CID.
 
Ciidamada dowladda ayaa si hareer ah dil ugu geysta darawalada gaadiidka ka shaqeeya Xaafadaha Muqdisho, gaar ahaan dhalinyara bajaajta kaxeysa.