Shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Cali Saleebaan iyo Ugaar Saleebaan oo furmay

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa saaka ka furmaya shirweyne ballaaran oo lagu soo afmeerayo dagaalo soo noqnoqday oo dhexmaray beelo ood wadaag ah oo wada degan gobolkaasi.
 
Gogosha nabadeynta beelahan walaalaha ah ee Cali Saleebaan iyo Muuse Saleebaan oo uu dhigay Boqor Burhaan Boqor Muuse ,ayaa waxaa ka qeyb galaya wufuud kala duwan kuwaasoo kamid ah isimo,madax dhaqameed, masuuliyiin heer dowladeed iyo wufuud kale oo kamid ah beelaha la heshiisiinayo.