Video:-Gaalkacyo oo kasoo kabatay colaadihii soo maray labadii sano Ee udanbeeyay

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya Micheal Keating iyo Talyaha Ciidamada Booliska Fadaraalka,ayaa maanta soo gaaray Gaalkacyo.

Waftiga Keating hogaaminyay,ayaa u yimdi Gaakacyo qiimaynta qorshaha xasilinta ee hopray layskula qaatay.

Waftigu waxay booqdeen Xarumaha Ciidamada Booliska isku dhafka ah iyo goobaha ganacsiga Magaalada.

Ciidamada Booliska isku dhafka ah ee Gaalkacyo oo ah kuwo ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan amniga Magalaada soona celiyaan kalsoondiii shacabka,ayaa Qaramada Midoobey waxay qorshaynaysaa in ay si buuxda utagaeerto hawlgaladooda.

Gaalkacyo oo soo martay labadii sano ee lasoo dhaafay dagaalo soo noqnoqday,ayaa hada waxaa ka muuqda isbadal xoog leh oo dhinacyo badan leh,kuwaasoo ay ka mid yihiin:-

1.Shacab fara badan oo magaalada ka qaxay oo dib ugu soo laabtay.

2.Ganacsigii Magaalada oo so laabtay si xawliyana sare ugu kacay.

3.Goobihii Waxbarashada oo fariistay kana baxay walwalkii ahaa in Ardaydu dhamaysan waydo Sanad dugsiyeedyada.

4.Qiimaha dhulka Magaalada lagu kala iibsado oo sare ukacay.

isku soo wada duuboo qorshihii Madaxweyne Gaas uu udajiyay Gaalkacyo ee ahaa wada shaqayn dhexmarta labada maamul iyo dhismaha Ciidamo isku dhaf ah oo ka wada shaqeeya amniga waxuu umuuqda mid hirgalay oo durba miro dhalkiisii la dareemay..hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka