Wafti balaaran oo uu hogaaminyo Michael Keating oo gaaray Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa goor dhaw gaaray taliyaha ciidamada Booliska Fadaraalka Soomaaliya Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo ay wehliyaan wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo saraakiil kale.

Danjiraha a Qaramada Midoobay iyo taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaa magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyey saraakiil katirsan ciidamada Booliska iyo masuuliyiinta magaalada Gaalkacyo.

Wafdigaan ayaa magaalada u gaaray sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen howlaha amni xaqiijinta ah ee magaaladaasi ay ka wadaan ciidamada isku dhafka ah ee loo xilsaaray xasilinta magaalada Gaalkacyo ee ka kala socda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Taliyaha ciidamada Booliska Fadaraalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo Michael Keating ayaa kormeeray Saldhigga Booliska ee Shabeel oo xarun u ah ciidamada isku dhafka ah, iyagoo halkaasi warbixino uga qaatay saraakiisha hogaamineysa ciidamada.

Michael Keating ” Laba sanno ka hor mar aan imid Gaalkacyo, la iima ogolaan inaa soo dhaafo dhismaha gegida diyaaradaha, arrimo ammaani awgood, maanta na waxaan dhex marayaa magaalada Gaalkacyo “ayuu yiri Keating.