Golaha Deegaanka garowe oo la amray in deg-deg loosoo xulo

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ee dowladda Puntland Cabdullaahi Xirsi Cali (TIMA-CADDE) ayaa waxaa looga hadlay dhismaha golayaasha deegaanka ee Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal, ku-simaha gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo dhammaan isimada gobolka Nugaal ayaa wasaaraddu fartay inay 22-ka July ilaa 22 Agoosto ku soo xulaan xubnaha golaha deegaanka ee degmada Garowe.

 

 

Halkan hoose ka akhriso:-