Hawlgal qorshaysan oo looga dilay Xubin muhiim ah Ururka Alshabaab Koonfurta Dalka

Ka dib howlgal ciidamada Maamulka Jubbaland ay ka sameeyeen deegaano hoos yimaada degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada hoose ayaa waxay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Abaanduulaha Guutada labaad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Maxamed Axmed Xirsi ayaa sheegay in Ciidamada Howlgal ay ka sameeyeen fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Badhaadhe ay ku dileen labo dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Mid ka mid ah labada Sarkaal ee Al-Shabaab laga dilay ayuu ku sheegay Abaaduulaha inuu ahaa dhaqtarkii guud Al-Shabaab ee Aaga Galbeed ee Gobolka Jubbada hoose magaciisana loo soo gaabiyo Suheyb Khaalid.

Shaqsiga kale ee Al-Shabaab looga dilay weerar ka dhacay degmada Badhaadhe ayaa lagu sheegay inuu ahaa Taliyihii Xisbada Aaga Galbeed ee Gobolka Jubbada Hoose.