Video:-Haweenka Puntland oo soo bandhigay awoodooda ganacsi

Haweenka ganacsatad ah ee Puntland ayaa maanta shir soconaya labo maalmood uag furmay garowe.
 
Shirkan,ayaa wxaa daahfuray Madaxweyne xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey,waxaana kasoo qaybgalay xubno ka tirsan golaha Wasiirada,hayadaha caalamiga ah iyo marti sharaf.
 
Dalada ganacsatada Haweenka Puntland,ayaa soo qabanqaabisay Carwadan waxaana lagu soo bandhigay agabka ganacsi ee ay haweenka ay ka shaqaystaan.
 
Camey oo shirka furay,ayaa madasha uga hanbalyeeyay haweenka ,isla markaana qiray doorkooda muhiimka ah.
 
Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indhoguran ayaa sidoo kale madasha ka hadlay bogaadiyayna Haweenka iyo horumarka ganacsi ee ay muujiyeen.
 
Waa markii ugu horaysay oo ay xusaan Haweenka Puntland maalintan oo kale,isla markaana soo bandhigaan awoodooda ganacsi.
 
Haweenka Puntland waxay door muuqda ku leeyihiin ganacsiga,siyaasada iyo Waxbarashada .
 
Doorka Haweenka mahan mid la inkiri karo laguans ookoobi karo qoraal yar,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halakn hoose ka daawo muuqaalka