Video:-Wararkii udanbeeyay dagaalkii Baar Sanguuni Ee Jubaland

Maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii hore ee saaka waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamadda Dowladda Fadaraalka iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin Deegaanka baar Sanguuni ee gobolka jubadda hoose.
 
Weerarku waxaa uu ku billowday Labo gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray, waxaana xigay dagaal toos ah oo Maleeshiyada Al-shabaab ka tirsan ay ku qaadeen Ciidankii fadhiyay Saldhigga baar sanguuni
 
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegay ciidanka dowlada iyo kuwa Jubbaland oo qaaday weerar rogaal celis ah ayaa si buuxda ula wareegey buundada Araare,iyagoo xiligan ku sugan meel ujirta Degmada jamaame 9-km,hoos ka daawo muuqaalka.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka