Warar kala duwan oo kasoo baxaya weerarkii Baar Saanguuni

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa weerar ku ekeeyay xero ay si wada jir ah u degenaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 43-aad iyo kuwa Jubbaland, waxaana weerarkaas kasoo baxaya warar dheeraad ah.
 
Waa markii sedexaad oo xaruntaasi weerar lagu qaado muddo bilo ah tan iyo intii ciidamada ay saldhig ka dhigteen halkaas.
 
Weerarkii saakay waxaa loo adeegsaday labo gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana xigay dagaal fool ka fool ah oo culus.
 
Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo muhiim ah oo Jubbaland ka tirsan, Alshabaab ayaa gabi ahaanba la wareegay xerada Baar Sanguuni, iyaga gubay teendhooyinkii ay ciidanka ku hoyanayeen, waxaana goobta isaga baxay askartii dowladda.
 
Inkasta oo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijinaya, haddane illaha aan la hadalnay ee Jubbaland waxa ay xaqiijinayaan geerida afar askari iyo dhaawacyo aysan tiradooda sheegin.
 
Hase yeeshee wasiir ku xigeenka warfaafinta dowladda Federaalka Aadan Isaaq Cali ayaa wakaaladda wararka ee SONNA u sheegay in dagaalka lagu dilay 87 dagaalamayaal oo Alshabaab ka tirsan. Wuxuu intaas ku daray in ay ku raadjoogaan firxadka Alshabaab.