Weerar ka dhacay Magaalada Toronto Ee dalka Kanada

Booliska Canada ayaa sheegay in nin hubeysan uu Axadi 14 ruux ku toogtay magaalada Toronto, kuwaas oo laba ka mid ahi ay geeriyoodeen.

Ninka toogashada geystay ayaa la sheegay in lagu dilay is-rasaaseyn dhexmartay isaga iyo booliska.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqleen dhawaaqa rasaas gaareysa ugu yaraan 20 ilaa 30 xabbadood, oo uu ridayay ninka weerarka qaaday, gudaha xaafadda Greektown ee magaalada Toronto.

Taliyaha ciidanka booliska magaalada Toronto Mark Saunders, ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan sababta keentay in ninka dadka dilay uu weerarka qaado.

Duqa magaalada Toronto John Tory ayaa wariyaasha u sheegay in magaalada ay dhib weyn ku qabto hub tiro badan oo gacanta ugu jira dad aad u fara badan.

Maalmihi dhawaa ayaa waxaa magaalada Toronto lagu daadiyay ciidamo boolis ah oo dheeraad ah, si ay uga jawaabaan toogasho badan oo ka dhacday xaafado ku yaalla Toronto.