Dhagayso:-Cutubyo ka tirsan Ciidamada NISA oo shaqadii laga joojiyay

Ciidamo gaaraya 71-askari oo tababar loogu soo xiray Xerada Nuurshirbow ee udhow talsika dhexe ee hay’ada sirdoonka iyo nabadsugida Fadaraalka NISA.,ayaa Agaasimaha hay’adu kala diray.
 
Ciidamada oo mudo Todobo bilood ah uu usocday tababarkan ,ayaan la garanayn sababta kaliftay in uu kala diro agaasime Xuseen Cismaan Xuseen .iyadoo waxa kaliya ee uu cuskaday ay tahay in aan loo baahnayanx iligan.
 
Mudaahaaraad ay kaga soo horjeedaan talaabada agaasimuhu qaaday,ayay Ciidamadu ka horsameyeen afaafka hore ee xarunta NISA.inkastoo laga hor istaagay in ay la kulmaan masuuliyiinta hay’ada.
 
Maalmo ka hor ayay ahayd markii shaqada uu ka joojiyay agaasimaha labadisii ku xigeen,isla markaana uu kusime kasii dhigtay shaqsi aan meelna kasoo galin hay’adaha sirdoonka sidoo kalena aan ku imaan magacaabis sharciya.
 
Tan iyo xiligii loo magacaabay agaasime Xuseen Cismaan Xuseen hogaaminta NISA waxaa soo baxay dhaliilo iyo shaki laga muujinayay shaqada hay’ada.
 
Hadaba hoos ka dhagayso codka qayb ka mdi ah askarta oo soo gudbinaya cabashadooda.
Halkan hoose ka dhagayso codka askarta